Go Back
Print

Baajiye howlyar

Ingredients

Waxa loo Baahanyahay

  • 2 koob blacked eye beans digirta cadcad ee dhibicda madoow leh dhexda kuleh
  • 1 basal la googooyay
  • 2 xabo toon la tumay
  • 1 malqaacad yar milix
  • 1 malqaacad yar geedo adari budo
  • 1 malqaacad yar khamuun budo
  • 1 basbaas akhtar la googooyay

Instructions

Habka loo samaynaayo

  • Alaabta dusha ku qoran oo dhan soo qaado, mishiinka waxlagu ridqo soo qaado oo ku ridiq.
  • Hadii aanad mashiin haysan waxaad isticmaali kartaa tib iyo mooye oo aad ku timikartaa.
  • Waa in aanay digirtu taag taagnin ee aad sifiican u burburisaa.
  • 2 saacadood yaradaa oo talaagada ku yaradaa.Hadii aad wakhti haysid.
  • Saliida aad ku shiilaysay soo diyaarso oo dab dhex dhexaad ah ku shiil
  • Kolba in malqaacad leeg kurid saliida saliida markay kululaato.
  • Shaaxidi ilaa intuu bislaanayo.

Basbaaska lagu cunaayo baajiyaha

  • 5 Basbaaska Akhtarka kulul(iniinyaha ka saar hadii aanad doonayn kulayl badan)
  • 1 liin dhanaan la tuujiyay
  • Biyo yar
  • milix yar