Bariiska biyo ku maydh oo dabadeed biyaha ka miir.
Disdi biyaha ku shub oo karkari.
Kadib bariiska, saliid ama badharka , milixda, filfisha, khalka, iyo liinta kuwada dar oo yara walaaq.
Daboolka disdida saar, dabkana u gaabi oo sidaa ku kari ilaa ay biyuhu gudhayaan.
Dhadhami inuu bislaaday bariisku hadii uu yara adkaado biyo yar ku dar.
Foog ku furfur bariiska dabadeed ku cun sanuunad.