Daqiiqda iyo, biking booderka weelkushubo, iyo milixda, dhinac iska dhig.
Beedka mashiinka ku qas, ilaa uu labanlaabmayo.
Sonkorta ku dar, iyo liinta, liinta-diirkeeda, iyo saliida.
Dabadeed iskuwada qas ilaa inta uu xumbaynayo.
Daqiiqda weelka aynu ku shubanay soo qaado oo u naaqus mashiinka aad ha u qasin ee inyar uun baa ladoonaya si ay iskugumilmaan.
Hadii aadloo qaso keegu wuu adkaanayaa.
weelkii ofinka lagu galinaayay soo qaado oo saliid-yar ku dhoob daqiiqyarna dusha kagashub oo iswada gaadhsii.
Ofinka sii shido oo gaadhsii xaraarada 350/180 amaba gaasta no:4 Ilaa 40 daqiiqadood, ayuu ku bislaanayaa amaba marka mindi dhexda lagaliyo waa in ay iyadoo nadiif ah ka soo baxdaa.
Isku qas alaabta dusha ku qoran ee dusha lagaga shubaayo.
Dabadeed dusha kagashub.