Go Back
Slice of lemon yogurt cake with lemon glaze on a white plate
Print

Keeg Liindhanaan (Somali Recipe)

Ingredients

  • Waxa loo baahanyahay
  • 1¾ koob daqiiq
  • 2 malqaacadood yar bikin boodhar
  • ¼ malqaacad yar cusbo/milix
  • 1 koob sonkor
  • 1 malqaacad weyn diirka liindhanaanta oo la xoqay
  • 4 xabo beed
  • ⅔ koob yogurt caano fadhi
  • ⅔ koob saliid
  • 4 malqaacadood weyn liindhanaan casiir
  • 1 malqaacad yar fanilla ikhtiyaari

Instructions

  • Habka loo samaynayo
  • Ofinka sii shid oo gaadhsii 350°F ama 180°C. Weelka ofinka diyaari oo saliid yar mari oo hoostiisa ku dheji warqada ofinka.
  • Madiibad soo qaado, ku shub daqiiqda, bikin boodharka iyo cusbada/milixda , oo isku walaaq.
  • Madiibad kale soo qaado ku shub sonkorta iyo diirka liindhanaanta, oo ku xoq birta si aad u hesho xabuuka sare ee diirka liinta.
  • Kadib, beedka ku dar sonkorta oo walaaq, dabadeed ku dar caano fadhiga, saliidda, liindhanaanta iyo fanillada.
  • Ku dar daqiiqda walaaq ilaa ay isdhex galayso, aad ha u walaaqin.
  • Ku shub weelkii ofinka, oo ha ku jiro 40 ilaa 50 daqiiqo, ama ilaa uu ka bislaado oo dushiisu shaaxido. Qori dhuuban ama mindida dhex geli ku tijaabi: haddii ay nadiif ka soo baxdo, waa diyaar. hadii kale kudaa ilaa 5 mirir.
  • Ha yara qaboobo ee weelka 10 daqiiqo, ka rog keega oo ku qabooji dhinaca kale ilaa uu qaboobaayo..
  • Hadii aad doonto, sonkor budada iyo casiirka liindhanaanta isku dar oo walaaqoo dushiisa kaga shub.