Go Back
Print

Lasanye iyo hilib loaad

Ingredients

Waxa loo baahanyahay

  • 12 lasanyada la karkariyay precooked lasange sheets
  • 15 oz/425g burcad ricotta cheese
  • 1 koob caano
  • 1 beed/ukun

Sanuunada

  • 1 basal lagoogooyay
  • 1 lb hilib duqad ah
  • 2 malqaacadood saliid ah
  • 3 jeex oo toon ah
  • 280 g tamaandhada daasadaha
  • 1 malqaacad kamasaro
  • 2 malqaacadood tamaandho gurgur/shiid shiid
  • milix iyo filfil

Instructions

Habka loo samaynaayo

  • Disdi dabka saar saliida kushub, basasha ku shaaxidi.
  • labada tamaandho, kamasarada, iyo toonta kurid disdida oo karkari ilaa 5mir.
  • Milixda iyo filfil kudar, dabool oo karkari ilaa iyo 45mir.
  • Kolba adiigoo yara eegaya walaaq hadii biyo u baahdo kudar ilaa 2-3 koob si aynay u adkaan.
  • Madiibad yar soo qaado oo ku qas beedka rikotada kudar iyo caanaha sifiican iskugu walaaq.
  • Ofinka siishid oo ka dhig 375f/190c
  • Weelka aad lasanyada ku karinaysid soo qaado, ku bilow duqada oo wada
  • gaadhsii dhowr malqaacadood, dabadeed kuxigsii lasanyada deedna ricotada
  • iyo inyar oo jiista looyaqaano (mozzarella).
  • Sidaa ku wad adigoo dusha ugu dambaysiinaya duqada,ricotada iyo jiista.
  • Ofinka geli oo kudabool (foil) markay 30mirir ka soo wareegaan daboolka
  • ka qaad oo kar kari ilaa inta ay lasanyadu bislaanayso dushana
  • ay ka shaaxidayso.