Go Back
Print

Laxoox, suqaar iyo beed

Ingredients

Waxa loo baahanyahay

  • 450 g hilib suqaar
  • 2 tamaandho la googooyay
  • 2 beed/ukun
  • 1 basal la googoyay
  • 2 malqaacadood saliid
  • 1 toon la googooyay ama latumay
  • 1 malqaacad yar geedo adari
  • 1 malqaacad yar basbaas
  • milix iyo filfil
  • 2 basal baar lagoogooyay

Instructions

Habka loo samaynaayo

  • Maqli balaadhan kabka saar oo hilibka ku shaaxidi.
  • Saliida ku dar oo walaaq milix iyo filfilna ku dar.
  • Basasha ku dar oo shaaxidi iyadana.
  • Tamaandhada, toonta, geedo adariga iyo basbaaska kudar.
  • Yara walaaq oo dabka kudaa ilaa 5 mirir si ay tamaandhadu u bislaato.
  • Beed ka sooqaado oo meel u yara banee adigoo malqaacad suqaarka dhinac u riixaya.
  • Ku jabi beedka, oo dabool si uu u bislaado, amaba ofinka geli ilaa 15-20 miri.
  • Laxoox ayaad ku cinikaraa hadiikale bariis, sabaayad amaba roodhi.