Waxaad mashiinka ku qastaa daqiiqda, caanaha, biyaha, sonkorta, haylka, milixda, badharka
iyo beedka ilaa uu kuuskuusku ka ba ayo ama mashiinka ku shiid.
Dabool oo sug ilaa 10 mirir.
Maqli dabka saar oo kululee, saliid yar dusha ka mari
Qooshkii malqaacad godan dar oo dhexda kushub maqliga
Dabadeed maqliga kolba goolad u wareeji oo
hawada gaadho maqliga gabigiisa, adigoo isku simaya.
Ilaa laba mirir ayuu ku bislaanayaa, marka ay
hoostu shaaxido ka qaad oo dhinaca kale u rog.
Saliid yar ayaad ku dulshubi kartaa ama badhar.
Ka qaad markuu bislaado, dabadeed bilaydhka saar.
Sidaa ku wada dhamee.
Badhar iyo Malab kucun.