Madiibad ku shubo daqiiqda, bikinka, sonkorta, milixda.
Caanaha, saliida iyo beedka kudulshub oo isku walaaq.
Dabadeed xash oo waa in jilayc noqoto oo aanay isku dhegdhegin.
Daqiiqyar isticmaal hadii aad u baahato.
Dabool oo ilaa labaatan mirir iska dhig.
Lawax daqiiqda aynu xashnay, koob soo qaado dabadeed ku goo goo
adigoo sawirka dusha tusaale ka qaadanaya.
Kadib maqli(ka aan wax ku dhagin) kululee dabkana dhexdhexaad ka dhig.
Muufada dulsaar oo Ilaa intuu qaado maqligu.
Dhinac walba ilaa 4 mirir ku dub bilaa saliid.