Badharka ama subaga dhalaali yara qabooji.
Markuu qaboobo kudar sonkorta dabadeed ku walaaq.
Hadana ku dar daqiiqda iyo haylka dabadeed gacanta ku xash.
Waraaq ku duuduub ama meel qabow talaagada oo kale
oo ku daa ilaa 20 daqiiqadood.
ofinka shid oo gee 180c ama 350f
Soo qaado weelkii ofinka lagua galinaayay.
Daqiiqda la xashay ka soo saar talaagada oo googoo sida sawirka dushu ina tusaayo.
Dabadeed ofinka geli oo ku daa ilaa 20 mirir ama markuu shaaxido kasaar ofinka oo qabooji.