Go Back
Print

Sareen iyo Caano

Ingredients

Waxa loo baahanyahay

  • 1 koob sareen loo yaqaano pearled barely
  • 6 koob biyo
  • milix
  • qlofol budo
  • badhar
  • caano

Instructions

Habka loo samaynaayo

  • Disdi weyn kushub biyaha oo karkari, dabadeed sareenka maydh oo kushub.
  • Dabka kayara naaqus oo ilaa saacad karkari. Milix kudar markuu jilco.
  • Saacadu marka aynay dhamaan hadii uu gudho caano kushub, kolba caanaha ku kordhi
  • ilaa inta uu bislaanayo.
  • Dusha qolofal budo ah kudar, badhar iyo sonkor ama malab kudar iyo caano dhay ama gadhoodh markaad cunaysid.