Go Back
Print

Xalwad

Ingredients

Waxa loo baahanyahay

  • 4 koob Biyo
  • 2 koob sonkorta cad
  • 2 koob sonkorta cas
  • 1 koob daqiiqda waronga cornstarch
  • 1 koob saliid
  • 1 malqaacad yar hayl dhagoole
  • 2 malqaacad yar hayl
  • sacfraan ama kalar cas cas iyo huruud.

Instructions

Habka loo samaynaayo

  • Sonkorta iyo biyahay isku kar kari dab dhex dhexaad ah.
  • Madiibad yar kuwalaaq daqiiqda (cornstarch) iyo biyo koob badhkii.
  • Kudulshub biyaha kar karaaya.
  • Walaaq oo ka naaqus dabka ilaa 30 mirir.
  • Saliida kolba inyar kudulshub si ay u shaaxidiso.
  • Walaaq oo kar kari ilaa 15 daqiiqadood oo xawaashka ku shub oo ku walaaq.

Notes

Sideed ku ogaan kartaa marka lagaqaadayo dabka:
Waxaad malqaacad ku soo goysaa in yar oo xalwada qabooji ama yara dhig hadiikale
biyo qabow ku dhexrid. Markaa gacanta ku eeg in ay jilicsantahay ama adagtahay.
Dadka qaar jilayca ayay ka helaan qaarna in ay yara shaaxido oo ay adkaato.
Inta badan dadka waxa soo jiita kalarka intaanad dhadhamin xalwada.
Hadaba waxaad ku dari kartaa shaaha caleenta in ta ay biyuhu kar karayaan,
takale hadii aad isku darto casaan iyo huruud labadan kalar ayaa isku fiican marka
xalwada lagu daro.
Disdida aan wax ku dhagina waa muhiim maadaaama aynay kaa ga dhagaynin disdida, saliid badana u baahanmaysid.