Go Back
Print

Maraq Baamiye iyo Khudrad kale

Ingredients

Waxa loo baahanyahay

  • 1 basal
  • 2 koob oo baamiye
  • 2-3 xabo dabacase
  • 3 baradho
  • 1 tamaandho
  • 1 kuusad
  • 2 xabo toon
  • 3 koob maraq
  • 1 malqaacad yar geedo adari
  • 2 malqaacadood saliid
  • milix iyo filfil

Instructions

Habka loo samaynaayo

  • Khudrada wada googoo, toontana tumo ama mindi ku jarjar.
  • Disdi saliid yar kushub oo dabka saar dabadeed basasha ku shaaxidi.
  • Kadib Baradhada iyo dabacasaha ku rid oo yara kar kari ilaa 4 mirir milix iyo filfil kudar.
  • Dabadeed tamaandhada kudar oo yara walaaq.
  • Kuusada kurid, biyo ama maraq ku shub(magi waad isticmaalikartaa)
  • dabadeed kar kari ilaa 5 daqiiqadood.
  • Baamiyihii ku dar oo biyo kale kudar.
  • Kar kari maraqa ilaa inta ay kudhradu bislaanayso
  • adigoo markadambe u naaqusaaya dabka.