Baradhada iyo dabacasaha diirka ka dhil oo googoo.
Basasha iyo tamaandhadana goo.
Disdi dabka saar oo saliidyar kushub ilaa sadex malqaacadood.
Markay kululaato hilibka kurid oo kolba dhinac shaaxidi.
Basasha ku xigsii oo iyadana yara shaaxidi adigoo kolba walaaqaya kadib baradhada iyo dabacasaha kurid oo yara walaaq si aynay ugu dhagin disdida ilaa 5 mirir.
Tamaaandhada kurid oo kari ilaa 5 mirir.
3 koob oo biyo ah kushub oo karkari markuu karkaro dabka
u naaqus oo yaradabool ilaa inta ay khudradu bislaanayso
sanuunaduna ay adkaanayso (hadii uu biyo dheeraad ah u baahdo kudar) . Bariis ayaad ku cunikartaa
sanuunada.
Hadii aad doonto xawaash iyo toon iyo kamasaro waadkudari
kartaa.